Gobollada dhexe oo ay maanta u ahayd maalinta koowaad ee ciidul fitriga.

Deegaano ka tirsan Gobollada Dhexe ee Soomaaliya oo ay maamusho Ahlusuna Wal-jameeca ayaa maalintii koowaad ee Ciidul Fidriga laga ciidayaa, iyadoo dadka isugu soo baxeen fagaarayaasha iyo masaajidada, si ay salaada ciida ugu dukadaan.

Goobaha  ay ururka Ahlusuna dadka isugu yeereen inay salaada ku oogaan ayaa aad loosoo buuxdhaafiyay, magaalooyinka ayaa  xalay cod baahiyeyaal iyo raadiyeyaasha maxaliga loogu sheegay in maanta oo Sabti ay tahay maalinta koowaad ee Ciida.

Meelaha saaka oo sabti laga ciidayo waxaa ka mid ah, degmooyinka Dhuusa Mareeb, Caabudwaaq, Guriceel, Xeraale, tuulooyin hoos taga deegaanadaas iyo degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan

Ciidamada Ahlusuna Wal-jameeca ayaa ka qeyb qaadanayaan sugidda Amniga, waxaana ciidamada ay baarayeen dadka meelaha fagaaraha tagayay, halkaasoo ay ku dukanayeen Madaxda Ahlusuna.

Deegaanada Ahlusuna Wal-jameeca ay ka arimiyaan  ee Gobollada Dhexe ayaa inta badan laga soomanaa maalintii shalay oo wadamada islaamka dhan laga ciiday, waxaana khilaafka ay ururkaan lamagacbxay ay ku dhaqaaqeen lagu macneeyay mid ay ku muujinayaan jiritoonkooda.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE