Huwanta Isgarabsanaysa oo La Wareegay Gacan ku Heynta Degmada Ufurow.

Wararka ka imaanaya Degmada Ufurow ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Ciidamada iska garabsanaya la dagaalanka Alshabaab ay la wareegeen Degmadaasi.

Ciidamada isgarabsanaya ayaa kasoo dhaqaaya Degmada Qansaxdheere ayadoo wax dgalaal ah aan kala kulmin Dagaalyahaanada Shabaab oo horey u faarujiyey Degmada Ufurow.

Ciidamadan la wareegay Ufurow ayaa sida wararku sheegayaan u dhaqaaqay Wadada kala qaybisa Gedo iyo Baay oo lagu wado inay ku biiraan gulufka lagu doonayo in shabaab looga fara maroojiyo Baardheere.

Ciidamda Amisom iyo kuwa Dowlada Federaalka ayaa waday dhaqdhaqaaq Ciidan oo ay ku doonayeen inay kula wareegaan Seddax degmo oo ay u arkaan inay yihiin degmooyin muhiim u ah Shabaab waxaana ka mid ah Diin Soor, Ufurow oo hada ay la wareegeen iyo Degmada kaliya ee Gobolka Gedo ay kaga suganyihiin Shabaab ee Baardheere.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE