Kaaba Mooryaano Isku habar Wacday Dagaalka ka dhanka ah ee Beesha Biimaal.

Xilli gulufyada Colaadeed ee ka jira qaybo ka mid ah Shabeelada hoose ay sii xoogeysanayaan ayaa waxa soo baxaya Kaaba Mooryaano kusoo biiray dhiilada colaadeed.

Kaaba Mooryaan Xasan Jaamici iyo kuwo kale oo horey ugu fashilmay dagaalada Gobolka Shabeelada hoose ayaa u habar wacday kuwii iyaga ugu horeeyey ee lumiyey dhul badan oo ay ku soo duuleen.

Waxaa Maanta Gobolka Shabeelad hoose soo gaaray Kaaba Mooryaan Goobaal oo Bilooyinkii ugu dambeeyey dhax meereysanayey Muqdisho iyo Gobalada shexe.

Goobaale oo isku darsaday fashillo dagaal oo kasoo wajahay Dhuusa Mareeb iyo dagaalo uu ku hungoobay oo uu kusoo qaaday Nambar 50 ayaa markale looga yeeray Shabeelada hoose si uu kaga qayb qaato Duulaanada ka dhanka ah Besha Biimaal.

Kaaba Mooryaankan ayaa ku yimid safar uu kusoomarayWadada dheer ee laamiga ka dib markii uu qayb ka ahaa Kolonyo Amisom oo saad usoo galbinaysay Ciidmada ku sugan Degmooyinka Shabeelad hoose isagaoo isku soo aamini waayey inuu isaga kaligii soo maro Wadada laamiga ah.

Markii kolanyada ay gaartay shalambood ayaa lasoo sheegayaa inuu u gudbay Deegaanka Buulo Mareer oo ay ku suganyihin Maleeshiyada kooxdan oo isku uruursanaya.

Imaatinka Kaaba Mooryaankan ayaa kusoo beegmeysa xilli kooxda dhul balaarsiga ay dooneyso inay difaacdaan deegaanada ay haraadiga ku yihiin.

Saraakiisha Ciidamada deegaanka oo ka hadlay imaatinka Goobaale iyo isku habar wacashadooda ayaa ku nuux nuuxsaday in waxba uu soo kordhin dooonin, isagoo horey ugu fashilmay weeraro uu u adeegsaday Gaadiid Dowladeed oo uu kusoo qaaday Deegaanada Beesha Biimaal.

“Ma hor istaagi doono halganka aan ugu jirno inaan cesheno deegaanadeena, waxba uma soo kordhin doono Habar gidir, Goobaal isagoo dhulkaan I jeeda ayuu gumeysan waaye hadana jab kale ayuu soo hoyin doonaa” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha Ciidamada deegaanka oo ku sugan Deegaanka Gandaawi.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE