Madaxweynihii Hore ee Puntland oo lagu Wado inuu Gaaro Magaalada Hargeysa.

C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland ayaa lagu wadaa inuu gaaro Magaalada Hargeysa ee Xarunta Soomaaliland.

Faroole ayaa la sheegayaa inuu maanta tagayo Hargeysa iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa tagitaankiisa Soomaaliland.

Waxaa la sheegay in Maamulka Hargeysa uu ka warhaayo Safarka Madaxweynihii hore ee Puntlanda C/raxmaan faroole uu ku imaanayo Caasiamada Soomaaliland ee Hargeysa.

Ilo wareedyo ayaa warbaahinta u sheegay in safarka Faroole aanu ahayn mid siyaasadeed balse uu yahay mid isaga u gaar ah oo ku doonayo inuu arimihiisa uu kaga soo fushado.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran