Maleeshiyaad ka amar qaata Xuseen Wehliye Cirfo oo qaab shirqool Maanta ku qaarijiyey Shacab Kasoo jeeda Degmada Xeraale (Magacyada).

Wararka naga soo gaaray Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Duhurnimadii Maanta Weerar lagu qaaday gaari nooc yar yar ah oo kusii jeeday Degmada Xeraale ee Goblka Galguduud.

Dadka la weeraray ayaa ahaa dad shacab oo isku qoys ah sida aad ka arki doonataan Magacyada Marxuumiinta Weerarka lagu Dilay.

Dad ku sugan Degmada Xeraale ayaa inoo sheegay in Weerarka uu ka dhacay Deegaanka Laandheer islamarkaana ahaa mid gaadma ah oo lagu qaaday gaarigan ay wateen raga geeriyooday.

Maleeshiyaad ka amarqaata Xuseen Wehliye Cirfo ayaa lasoo sheegayaa inay ka dambeeyeen Falkan gaadmada ah kaas oo ku qotoma fal aana qabiila ah.

Markacadey.com ayaa waxay heshay Magacyada dadkan oo isku qoys ah.

1-Xasan Khadar Sheekh Yuusuf.

2-C/qaadir Macallin Maxamed Sheekh Yuusuf.

3-Shaafici Cadaawe Sheekh Yuusuf.

4-Cali Faarax Aadan Yare.

5-Cadaawe Aadan Cabdi Julumbuqo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE