Milateriga Aljeeriya oo Lagu Weeraray Galbeedka Wadankaas.

Ciidamo ka tirsan Milateriga Wadanka Aljeeriya ayaa wararku waxay sheegayaan in lagu weeraray iyagoo marayey meel wada ah oo ku taala Wadankaasi.

Weerarkan oo sida la’aaminsanyahay ay ka dambeeyaan Ciidamo Islaamiyiin ah oo ku kacsan Dowlada ayaa lasoo sheegayaa inuu ahaa mid jidgooya ah oo lagu qaaday Ciidamada Galbeedka Aljeeeriya.

Ugu yaraan 11 ruux ayaa lagu dilay weerarka lagu qaaday Ciidamada Milateriga halka dhaawacuna uu intaasi kasii badanyahay.

Sanadiihii ugu dambeeyey Wadanka Aljeeriya wuxuu ahaa mid xaaladiisa ay wanaagsantahay iyadoona in ka badan 20 sanadood ka hor ay ugu dambeysay Dagaalo xoogan oo ay wadeen kooxo islaamiyiin ah oo weli wadankaasi ka jira.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran