Wararkii ugu dambeeyey ee Deegaanka Shalambood iyo Ciidamada Deegaanka oo Heegan buuxa ku jira.

Waxaa Maalmihii ugu dambeeyey xaalado kacsanaan ah ay ka jirtay duleedka Magaalada Marka ka dib Markii Ciidamada deegaanka ay sameeyeen xoogaa horumar ah.

Wararka hada aan ka heleyno Shalambood ayaa sheegaya inay aad u kacsantahay xilli ay soo buuxdhaafiyeen Maleeshiyaad ka amar qaata Kaaba Mooryaan Xasan Jaamici.

Malaeeshiyadan ayaa isugu jira kuwii Maalin dhaweyd ka badbaaday Weerarkii shabaabku ay ku qaadee Golweyn iyo kuwo loo soo kireystay inay difaacaan Shalambood oo xaalada kooxdan ay ka xuntahay.

Waxa lasoo sheegayaa in dhaq dhaqaaqan had aka socda Shalambood ay wadaan Maleeshiyada lagu soo ururiyey halkaasi oo damacooda uu yahay inay weerar ku qaadaan Gandaawi oo hada fariisin u ah Ciidamada deegaanka.

Dhanka kale warar aan ka helnay gudaha Marka ayaa sheegaya in jawi aan horey looga baran ay ku suganyihiin Maleeshiyada haraadiga ku ah isla markaana ku go’doonsan.

Maleeshiyaadkan ayaa ka warhaaya culeyska ka jira Shalambood, waxaana qayb ka ah Maleeshiyaad dareeska Dowlada wata oo ku jira Iskoolkii Alraxmaan ee Bartamaha Magaalada Marka.

Waxaa heegan buuxa ku jira Ciidamada deegaanka oo si dhow iyo si hoosaba ula socda dhaq dhaqaaqa Maleshiyada kooxda dhul ballaarsiga ka wada shabeelada hoose.

Wixii kusoo kordha halkan ayaan idin kugu soo gudbin doonaa insha allah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran