Dhegeyso Jaaliyadda Boqortooyada Sacuudi Arabiya “Yaan laga Tala Maqlin Shakhsiyaad Dhuuntooda u ordaaya, halaga tashto kuwo Kaankarada Noqday”.

Jaaliyada Beesha Biimaal ee Boqortooyada Sacuudi Arabiya ayaa ugu horeyn hambalyo u diray Ciidamada Deegaanka iyo Hogaankooda iyagoo sidoo kale ku bogaadiyey siday heeganka ay ugu yihiin difaaca deegaanka.

Dhanka kale Jaaliyada ayaa fariin hambalya ah u diray Gudoomiye Xasan Cumurey iyagoona ugu baaq inuu u hogaansamo rabitaanka deegaanka.

“Hambalyo ayaan ku leenahay Gudoomiye Xasan, Cid kaasoo horjeeda malahan laakiin kuwo ku daba socda ayaa la nacay, halgankii shalay aad ku jirtay weli taaganyahay, howshooda sii wad”.

Jaaliyada ayaa si kulul u weerartay Odayaasha ismagacaabay ee ku qaraabta magaca dadka deegaanka iyo Siyaasiyiinta dhaafi waayey ilaalinta kursiga ay fadhiyaan.

Dhegeyso.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran