Ciidamada Amisom oo Maanta Dad Shacab ah ku Laayey Bartamaha Marka.

Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwo Uganda ee ku suganMarka ayaa maanta dad shacab ah waxay ku dileen xaafadaha kala duwan ee Degmada xilli saake aroortii ay ku jarmaadeen xaafadaha ay dhibaateeyeen.

Ciidamada ayaa saake aroor hore isku soo fidiyey xaafadaha kala duawan iyagoo markaasi doonayey inay sameeyaan howlagal ay ku yareenayaan qaraxyada inta badan lagu tuuro markay marayaan wadooyin laamaiga ah.

Dadka la dilay ayaa lasoo sheegayaa inay Amisom u dishay si ay ugu qalqal geliso shacabka xilli aan wax qarax ah lala beegsan.

Dad la hadlay Markanews.net ayaa soo sheegaya in qof kasta oo ay arkaan saake ay dilayeen oo aan waxba loo kala reebin, inta badan ayaa dadka lagu dilay xaafadaha Beyturaas iyo Jujuumo ee Degmada Marka.

Sidoo kale waxa jira dad amisom ay ku dishay Suuqweynaha Wajeer oo ay rasaas la dhacday dhalanyaro ku jiray goob Tima jaraha ah, waxaa halkaasi ku geeriyooday Wiilkii tima jaraha ahaa iyo wiil kale oo Tinta Markaasi loo jarayey.

Inta badan shacabka ayaa saake waxay u tahay Maalmaha ay ugu murugada badan tahay, iyagoona hada ka barakacaya guud ahaanba xaafadaha ay Amisom beegsaneyso.

Tirada la dilay oo gaareysa in ka badan 13 ruux ayaa hada indhaha la saaray ilaa 6 ruux oo qaarkood ay ku yaalaan xabado tira badan oo lagu asqeeyey.

Waxaa kalo jira dad kale oo xaafadaha ay ku dishay amisom oo aan loo tagi Karin meydadkooda xilli amisom qofka ay aragtaaba ay dileyso.

Isbitaalka Guud ee Degamada Marka ayaa waxa lsoo gaarsiiyey ku dhawaad 20 qof oo qaba dhaawacyo kala duwan, kal-kaaliyayaal ku sugan isbitaalka ayaa sheegaya in dhawacyada la keenay isbitaalka aanu ku filnaan Karin inuu wax u qabto maadamaa isbitaalka aanu lahayn dhakhtar iyo daween ku filan midna.

Ciidamada Amsiom ee ku sugan Marka ayaa caadeystay dhibaateynta shacabka xilli ay ogtahay deegaanada ay ku sugantahay Shabaab oo baqdin darted ay u tagi Karin, mana jirto cid ka hor istaageysa dhibaatooyinkan soo kordhaya ee ay ku hayso Shacabka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE