Dhac iyo Barakac xoogan oo ka jira Deegaanka Shalambood.

Maleeshiyaad ka amar qaata dhagaraqabayaasha kala ah Nuur Jiido iyo Xasan Jaamici oo ku sugan Deegaanka Shalambood ayaa dhac baahsan ka bilaabaty deegaankaasi.

Maleeshiyaad loogu talagalay inay difaacaan Shalambood ayaa bilaabay inay dadka guryahooda ay ugu tagaaln islamarkaan ay ka qaataan Mobilada Gacanta, lacagaha Guryaha yaala iyo dharka.

Dad ku sugan shalambood ayaa soo sheegaya in dhibaatooyinka ka jira Deegaanka ay noqdeen kuwo xoog leh iyadoona arintaasi loo sababeenayo maleeshiyadan oo ka cabsi qaba inay sii joogi doonin meesha ay dhibaateenayaan.

Xalay ilaa shalay waxa jiray Mooryaan badan oo dhex meereesaneysay Xaafadaha Shalambood oo baqdin gelinayey shacabka oo ugu hanjabayey inay dili doonaan ama ay soo dhiibaay lacagaha guryaha ugu xareysan iyo Mobilada gacanta ay ku qaataan.

Caruur iyo haween u joogay shalambood ayaa todobaadkii hore ay ka rarteen iyadoona hada shalambood ay tahay meel ay ku suganyihiin shacab tira yar oo deegaanka ah

Warar aan henay ayaa sheegaya in Maleeshiyada ay isku maandhaafsanyihiin istaraatiijiyada dagaal ee lagu qaadayo Ciidamada deegaanka ee fariisinka ku leh Gandaawi oo wax ka yar hal KM u jirata Shalambood.

Maleeshiyada qaarkood ayaa qaba inay xoojisytaan Difaac ay dhigteen Deegaanka Golweyn oo mar horeba laga sii tabaabusheystay shalambood iyo deegaanada ka agdhow, halka Maleeshiyaad kalana ay qabaan inay Shalambood u tahay deegaan ku weyn oo si naba aan lagu faarujin doonin ilaa in Xabad looga qabsado maahane.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE