Mareekanka oo Sheegay inuu ka qayb qaadan doono Ladagaalanka Kooxda Boko Haram.

Dowlada Mareekanka ayaa sheegtay inay door fiican ay ka qaadan doonto sidii loola dagaalami alahaa kooxda Boko haramee ka dagaalanta Nigeriaka dib markii halkaasi uu booqday Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay Madaxwenaha Nigeia

Madaxweynaha cusub ee dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa Isniintii loogu soo dhaweeyey aqlka Cad ee Madaxtooyada Maraykanka.

Madaxweynaha Nigeria ayaa safarkan u noqonaya kii ugu horeeyey ee uu ku tago Mareekanka tan iyo markii loo doortay Xilka Madaxweyne nimo ee Dalkaasi.

Buhari ayaa kulan gaar ah la qaatay Dhigiisa Mareekanka ee Obama kaas oo ay ka wada hadleen sidii laysga kaashan lahaa ladagaalanka kooxda Bokaharam ee Wadanka Nigeria ka dagaalanta.

Obama ayaa u balanqaaday dowlada Nigeria inay ka taageeri doonaan dhanka sirdoonka iyo isgaarsiinta, isla markaana uu Maraykanka deeq bini’aadamnimo gaarsiin doono dadka ay waxyeelada kasoo gaartay weerarada ay wadaan Boko Xaram.

Madaxweyne Bohari ayaa dhankiisa sheegay in dhawaan uu soo afjari doono Kooxdan oo dagaalo xoogan kula jirta Dowladiisa, dhawaanna sheegtay inay ku biirtay Kooxda Daacish.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE