Wafdi ka Socda Urur Goboleedka Igad oo Maanta lagu Wado Inuu Gaaro Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuus Mareeb ee Xarunta Maamulka Gobolka Galguduud ayaa manta waxa la filayaa in uu gaaro Wafdi ka socda Urur goboleedka Igad .

Siday sheegayaan wararka wafdiga ayaa socdaalkiisa lagu sheegay inuu wadahadal ka geli doono Kooxda Ahlusunnah iyo Maamulka Cadaado lagu dhisay.

Urur Gobaleedka Igad ayaa waantan ku doonayo inuu isku soo dhaweeyo Maamulada ka jira Gobolka Galguduud islamarkaan uu ku qaboojiyo xiisada halkaasi ka taagan.

Warar aan la hubin ayaa tilmaamaya in C/kariin Xuseen Guuleed uu tagi doono Dhuusamareeb si dhankiisa uu uga qayb qaato wadahadalada Igad furi doonto.

Kooxda Ahlu Sunnah ayaa sheegtay in uu burburay heshiis ay horey u galeen iyada iyo Dowlada fedaraalka Soomaaliya.

Igada ayaa taageertay Maamulka Cadaado lagu soo dhisay waxay hada dooneysa inay doorkeeda ka qaadato sidii loo heli lahaa maamul caga buuran yeesha.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran