Warbaahinta Dagaalka kula Jira Dadka Deegaanka oo qarsan waayey Colaada Gaamurtay ee ay u qabaan Mas’uuliyiinta Deegaanka (Warbixin).

Wabseedyo ku hadla Afka Kaaba Mooryaanta islamarkaana markasta loo adeegsado Magac dilka iyo Suurad xumeynta Mas’uuliyiinta deegaanka kasoo jeeda ayaa Bilaabay inay dadka ku mashquuliyaan warar been abuur ah oo aan sal lahayn.

Ma jeclin inaan soo qaadano Magacyada Wabseedyadaas anagoo ka dhowraneyna Afkeena Wanaagsan ayaa horey waxa u jiray Wabaahinno Muqdisho ku yaala oo loo adeegsan jiray in lagu baahiyo warar dicaayado ah.

Maanta Degmada Marka waxa dhibaato tii ugu xogeynd ka geystay Ciidamo lagu sheegayo Nabad ilaalin oo Masaakiinta aan waxba galabsan la dhacay Rasaas waxyeello ba’an gestay.

Ma jirto Cid ay u dacwoodaan shacabkaas haday tahay Dowlad, Maamul Goboleed iyo Siyaasi midna waatan keentay in dhaibaatada amisom indhaha ay ka eegtaan kuwo madaxda wadanka sheeganaya.

Idaacadaha gudaha iyo kuwo dibada ayaa si isku mid ah u tabinayey dhibaatada amisom maanta ay u geysatay shacabka, waxaana jiray ilo xog ogaalo ah oo laga xiganayey Wararkii Maanta ee Marka.

“Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in deegaano halkaasi hoos taga ay ku dagaalamayaan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ee Shariif Xasan iyo kuwa Amisom” war tolow yaa warkan usoo tabiyey.

“Ciidamda Df gaar ahaan kuwo Maamulka koonfurgalbeed Somaliya ee dagaalka kula jira Ciidmada Amisom waxa hugaaminooyo Taliyaha Ciidmada Daraawiishata Koonfur Galbeed Cabdullaahi Waafow”bal ila arka xishood daradan.

Warkan waxa qoray Wabseed ku hadla Afka Kaaba Mooryaanta Shabelle State kaas oo muujiyey cadowtooyada uu qabo Mudane C/hi Cali Axmed Waafow, kana xishoon warka Been abuurta ah ee uu baahinayo.

Sidaan ku hayno xaqiiqoyinka Jira warkan maahan mid kasoo maaxday qoraaga wabseedka aan afkeena ka ilaalinayo laakiin waa mid ay soo tabiyeen kaaba Mooryaano horey u doonayey inay u qabsadaan shabeelada hoose hase ahaatee si geesinma damacooda waalan uu u diiday C/hi Waafow oo go’aan ka qaatay dhibaato ay soo maleegaan Kaaba Mooryaanta ka macaasha dhibaateynta shacabka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran