Barakac kii Ugu Weyn Ebed oo Ka Socda Xaafadaha Bari ee Degmada Marka.

Ka dib dhibaatadii Ciidamada amisom shalay ay ka geysteen xaafadaha Magaalada Marka ayaa taasi waxay sababtay in barakac xoog leh ay sameeyaan Shacabka oo aan haysan Mas’uuliyad dhab ah oo ka jawaaba dhibaatadooda.

Shacab tira badan ayaa saake ilaa duhurnimadii Maanta faarujinayey Xaafada kala ah Beyturaas,Ceelbashiirow,Dujuumo iyo guryaha ku teedsan Wadada laamiga ah.

Dadka barakacaya ayaa u kala jihaystay Muqdisho iyo xaafadaha galbeed ka Magaalada gaar ahaan Buula jaan iyo meelaha ay dadku ay isleeyihiin waxaad kaga nabad geli kartaa dhibaatada amisom.

Gaadiid fara badan ayaa saake xaafadaasi ka rartay shacab guuraya oo u baxsanaya Muqdisho, iyadoo maanta ciriiri ay ahayd in la helo gaari loo kireysto Safarka Muqdisho ama deegaanada kale.

Barakacan ay sameenayaan dadka shacabka ayaa waxa uu ka dambeeyey ka dib markii ay joogta noqdeen dhibaatooyinka shacabka kaga imaanaya Ciidamada Amisom oo aynaan jirin cid wax ka qabata.

Xaafadaha Sheekh Abroone iyo Ruusiyo ayaa goor sii horeysay laga barakacay ka dib madaafiic Ciidamada amisom ay la dhaceen guryaha ku teedsan wadada laamiga ah.

Amisom ayaa dhibaatadii shalay ay ka geysatay Marka ku tilmaamtay howlagal ay ku xaqiijinaysay amaanka magaalada marka iyadoona dadka la dilay ku tilmaantay dagaalyahaano shabaab ah oo gaaray ilaa shan dagaalyahaan.

Waxaa jira Kooxo Kaaba Mooryaano ah oo Amisom ku taageerey dhibaatadii shalay iyagoona dad la dilay ku raacay inay ahaayeen shabaab dagaal la galay amisom.

Inkastoo ay jirin cid ka hadlaysa dhibaatadan ayaa hadana waxa kasii daran in kooxaha diidan jiritaanka Marka inay hadana amisom u sharciyeyso dhibaatada ay geysanayaan.

Fillo Sawirada goordhow.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran