Wadamada Uganda iyo Ethopia oo ka wada hadlay La Dagaalanka Alshabaab.

Wasaiirada Gaashaandhiga Uganda iyo Ethopia ayaa kulan qaas waxay ku yeesheen Caasimada Dalka Ugand ee Kambaal kulaankaas oo ahaa mid khaas ah ayaa laooga hadlayey la dagaalanka Xarakada Shabaab.

Wasiirada ayaa sidoo kale isla afgartay in laga wada shaqeeyo iskaashiga labada wadan iyo hormarinta Geeska afrika.

Wargeyska The New Vision ayaa qoray inay Wasiiradda Gaashaandhigga ee Ethiopia iyo Uganda kala saxiixden Heshiis Is-faham (MoU) oo ay labada Dowladooda isaga kaashan doonaan dhinaca Difaaca iyo inay xoojiyaan Ammaanka iyo Deganaanshaha Gobalka.

Siraaj Feessa iyo  Crispus Kiyonga oo kala matalayey Uganda iyo Ethopia ayaasi weyn u gorheeyey sida ugu fudud ee loola dagaalami karo Xarakada Shabaab oo awoodeeda markan ku tijaabineysa difaacyada Amisom ee Soomaaliya.

Wadamada Uganda iyo Ethopia ayaa qayab ka ah howlgalka Midowga afrika ee Amisom.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE