Askar Ka Tirsan Boliiska Turkiga oo Lagu Dilay Xuduuda Wadankaasi uu la Wadaago Siiriya.

Jabhada PKK ee ka dagaalanta Wadanka Turkiy ayaa Dilaya Lab askari oo ka tirsanaa Ciidamada Boliiska ee Dowlada.

Sida lasoo sheegayo Dilkan ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Sanliurfa oo u dhow xaduuda u dhaxeysa Turkiga iyo Siiriya.

Dilka kooxda ay geystay ayaa ku micneysay inay uga aargudanayeen dilkii dhawaan qarax ismiidaamin ah looga dilay in kabadan 30 ka tirsan Kurdiyiinta.

Dowlada Turgiga ayaa shaacisay in ninkii weerarka ismiidaaminta ka fuliyey Wadankaasi uu ahaa nin kasoo jeeda Turki hase ahaatee tabarar kusoo qaatay Wadanka Siiriya, waxaana weerarkaasi mas’uuliyadiisa sheegatay kooxda ISIS.

Jabhada Pkk ayaa askarta ay dishay ku eedeysay kuwo xiriir dhow la leh Kooxda ISIS waxayna sidoo kale ay ku hanjabtay inay dili doonto saraakiisha iyo cid kasta oo ay ku tuhunto inay xiriir la wadaagto kooxda ISIS.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran