C/hi Fartaag “Shacabka Kismaayo ha u Banaanbaxaano qabashada Baardheere”.

Madaxweyne ku Xigeenka koowaad ee Maamulka Jubbaland ee fadhigiisu yahay Kismaayo ayaa soo dhaweeyey qabashada Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

C/hi Sh.Ismaaciil Fartaag ayaa ku tilmaamay Degmada Baardheere mid istaartiijiyad u ahayd Shabaab oo in muda ah maamulayey.

Waxa uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan kismaayo inay soo dhaweeyaan qabashada Baardheere islamarkaan ay qabtaan dibad baxyo loogu dabaal defayo arinkaasi.

(Shacabka Kismaayo ku dhaqan waa inay soo dhaweeyaan qabashada Baardheere weliba ay dhigaan dibada baxyo ay ugu dabaal degayaan Baadheere oo soo gashay gacanta Maamulka Jubba” ayuu yiri Fartaag Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubba.

C/hi Sheekh Ismaacil Fartaaga ayaa sidoo kale soo hadal qaaday Odey Caan ahaa oo shlay markay shabaabku ay sii baxayeen lagu dilay Baardheere ayuu ku sheegay ninkaasi inuu ahaa Saraakiishii hore ee Dowlda islmarkaan shabaab ay uga baqday inuu la shaqeeyo Ciidamada Doowlada iyo kuwa Amisom ee halkaasi gaaray.

Xarakada Shabaab ayaa tan iyo sanadii 2007 dii maamuleysay Baardheere, tani ayaa ka dhigan inay weysay degmadii ugu dambeysay ee ku taala Gedo oo shabaab ay lumisay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran