Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom oo Baaritaano Ka wada Galbeedka Baardheere.

Ciidamada Huwanta ee shalay la Wareegay Gacan ku heynta Degmada Baardheere ayaa Saake ku jarmaaday xaafadaha degmadaas oo ay baaritaano ka bilaabay.

Wararka ayaa sheegaya in Baaritaan guri guri ah iyo baaris lagu sameenayo gawaarida isticmaasha wadooyinka taas oo looga gol leeyahay haday jiraan xubno ka tirsan shabaab oo ku dhuumaaleysanaya Baardheere.

Saraakiisha Ciidamada dowlada ee shalay qaybta ka ahaa qabashada Baardheere ayaa sheegay in howlgalkan uu yahay mid lagu sugayo amniga iyo mid looga hortagayo xasilooni daro ka dhacda Degmada oo weli si buuxda ay gacanta uga haynin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE