Dhegeyso Gudoomiye Waafow “Shalambood inaan Soo gaarno Waqti iyo dadaal ayaan ku bixinay ilaa Bareewe ayaan gaareynaa insha allah”.

Gudoomiye C/hi Cali Axmed Waafow oo booqasho ku tagay difaaca ugu horeeya ee Ciidamada Deegaanka ayaa sheegay in dadaal dheer ay u galeen siday u soo gaari lahaayeen deegaanka ay hada ku suganyihiin.

Waafow ayaa sheegay in ujeedkoodu aanu ahayn in Shalambood ay ku hakadaan balse ay doonayaan inay sii qabtaan dhul dheer oo ay rajeynayaan inay gaaraan ilaa Baraawe oo hadafkooda uu yahay.

Mar su’aal laga weydiiyey Mooryaanta Marka ku jirta ayuu ugu baaqay inay haystaan jaanis ay ku badbaadin karaan noloshooda “Marka meel aad leedihiin maahan janis waxaad u heysataan inaad naftiina badbaadisaan hadii taasi la idin ka heli waayana adinkaa ku baabi’i doona” ayuu yiri Mudane Waafow.

Dhegeyso.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran