Kaaba Mooryaan Cali Nuure oo Indhaha ka qarsanaya Dhibka Amisom, weliba Diidan Noloasha Shacka Marka”.

Ciidamada Amisom ayaa sida la wada ogyahay dhibaatooyin kala duwan ka geytay Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelada hoose.

Kaaba Mooryaan Cali oo sheegta Jago uu taabsaday ayaa in badan ku hadaaqayey in Marka amaankeeda uu yahay mid wanaagsan oo aan wax dhiba ah ka jirin isagoo qarin jiray dhibaatada Maleshiyadooda ay ka geysanayaan.

Kaaba Mooryaan Cali Nuure ayaa dhibaatadii Marka ku tilmaamay in lala dagaalamayey Shabaab oo howlgal laga sameeyey xero Ciidam lagu tababarey saasna uu dagaalku ku dhacay isagoo qarinaya in Amisom ay si bareer ah u dishay dad masaakiin ah oo isugu jira Beeraley, da’da ah, haween iyo arday.

Kaaba Mooryaankan oo Marka ku yimid dhibaateynta shacabka ayaa ka fakari waayey in ugu yaraan uu afkiisa ka qabsado dhibta meesha ka jirta, marba hadii aan wax soo kordhin lahayn.

Amisom ayaa ku tilmaantay xasuuqii Marka inuu ahaa howlgal ay ka fulinayeen xaafado loogu sheegay inay joogaan shabaab islamarkaana howlgalkaasi aan la dilin inta uu socday wax shacab ah.

Waxaa taasi ku marag furaya Kaaba Mooryaanta oo horey u baneystay dhiiga Shacabka.

Shacabka ku dhaqan Marka ayaa soo sheegaya in weli Marka ay ka jirto cabsi xoogan oo hadii la sheego Amisom oo xeryahooda kasoo baxay guud ahaan la faarujiyo Wadooyinka iyo xaafadah oo loo baxsado duleedyada Magaalada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE