Saraakiil uu Hugaaminayo C/hi Waafow oo Shalay Booqday Deegaanada Difaacyada ay ugu Jiraan Ciidamada Deegaanka (Warbixin).

Deegaanada ay ku suganyihiin Ciidamada Deegaanka ee dhawaan laga xoreeyey Maleeshiyada dhul ballaarsiga ayaa shalay waxa booqasho ku tagay Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Hogaanka Ciidamada deegaanka C/hi Cali Axmed Waafow.

Taliyaha Ciidamada Deegaanka Col. Maxamed Sheekh Xasan, Abaan duuliyaha Ciidamada Col. Xasan Shurbuq, Taliyaha Sahanka Ciidanka iyo Saraakiil kale ayaa ka mid ahaa Wafdigii shalay booqday Deegaanada Buufow Bacaad iyo Gandaawi oo dhawaan ay la wareegeen Ciidamada deegaanka.

Mas’uuliyiintan ayaa markay tagayeen deegaanada lasoo kulmay Ciidamada jiida hore iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada kuwaas oo si weyn ugu farxay booqashada Waafow iyo saraakiishiisa.

C/hi Waafow ayaa si gooni ah qudbad ugu jeediyey Ciidamada isagoo ugu horeyn ugu hambalyeeyey guusha ay kasoo hoyiyeen dagaaladii ugu dambeeyey ee ay la galeen maleeshiyada dhul boobka oo ku fashilmay sii haysashada deegaanadan.

Wuxuu ku booriyey inay ilaaliyaan guusha ay gacanta ku dhigeen ayna ku dadaalaan xaqiijinta ammaanka deegaanada dhawaan soo galay Ciidamada deegaanka.

“Guushu waxay u baahantahay Marka la gaaro in sidii Ukun camal ah loo ilaaliyo, guusha iyada rabta in la badbaadiyo sidaa darted yey dhicin in si fudu uu cadow idin kaga faa’ideysto”ayuu yiri Waafow.

“Ogaada dhul dheer aa na sugooyo Shalambood waan joognaa cid naga xigta majirto laakiin hadafkeena maahan inaan ku hakano waxaa inoo balan ah inaan raadino dhulka cadowga uu rabo inuu baroosin dhigto taasi iska diida sidaad horey u diideen” ayuu sii raaciyey Waafow qudbadiisa.

“Guul ayaa inoo balan ah kii halganka ku shahiida allah u naxriisto kii harana furashada dhul dheer ayaa sugooyo dadkeena way noo gacan haatinayaan inaan xoreyno ayey noogu baaqayaa aan ka dhabeyno balanta himiladeena waan gaaraynaa” ayaa ugu dambeyn Mudane Waafow qudbadii uu u jeedinayey Ciidamada Difaaca Shalambood uu kula dardaarmay.

Ujeeda C/hi Waafow ayaa aheyd inuu bogaadiyo geesiyaasha deegaanka oo har iyo habeen u taagan difaaca deegaanka iyo soo celinta dhulka weli ku harsan gacanta maleeshiyaadka cadowga ah.

Tani ayaa ka dambeysay ka dib markii ciidamada deegaanka ay guulo la taaban kasoo hoyiyeen dagaaladii ugu dambeeyey ee dhacay taas bedelkeedana Maleeshiyada soo duulay ay ku qasbeen inay ka quustaan dhul badan oo deegaanka ku yaala.

Ugu dambeyntii Ciidamada deegaanka ayaa hada ku sugan deegaanka Gandaawi oo aad ugu dhow Shalambood, waxaana ilaa hada la sugayey weerar ka yimaada Maleeshiyada xasan jaamici oo shalambood ku sugan oo weli kusoo dhiiran la’ inay soo weeraraan Gandaawi taas oo ka dhigan inay markan awoodi waayeen dagaaladii ay kula jireen Ciidamada deegaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran