Dowlada Mareekanka oo ku Goodisay inay kurdhineyso Weerarada K dhanaka ah Saraakiisha Shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay Dowlada Mareekanka ayaa lagu sheegay inuu Mareekanku kordhin doono duqeymaha xaga Cirka ee lala beegsanayo Saraakiisha Shabaab.

Qoraalka ayaa lagu sheegay intay socdeen duqeymihii Diyaaradahaas ay ka fuliyeen Soomaaliya laga guulo la taaban karo oo lagu Dilay inta badan Saraakiishii lala beegsaday.

“Diyaaradaha kama daali doonaan Duqeyamaha ay ku taageerayaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Amisom islamarkaana lagu bartilmaameedsanayo Shabaab, wey sii kordhin doonaan weliba waxay ku dhex socon doonaa saldhigyada ugu weyn ee shabaa” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay Mareekanka.

Dowladaha reer galbeedka ayaa inta badan Soomaaliya ka fuliya weeraro ay ku qaadaan bartilmaameedyo ay markaasi beegsanayaan.

Duqeynaha ay qaadaan Diyaaradahaasi ayaa waxa ka qayb qaata rag ku dhex jira Shabaab oo markii ay howshaasi fuliyaan ka dibna lasoo qabto weliba lasoo bandhigo iyagoo ka sheekeenaya siday uga qayb qaataan howlaha ay ku taageeraan Diyaaradaha Mareekanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE