Howlgal Miina Baaris oo Laga Sameeyey Degmada Diinsoor ee Gobolka Bakool.

Wararka ka imaanaya Degmada Diisnoor ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in howlgal Miina Baaris ah halkaasi ay kasameeyeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa amisom ee qaybta ka ah howlgalada shabaab looga saarayo Baay iyo Gedo.

Dagaalyahaanada shabaab ayaa markii ay kasii baxayeen Diinsoor wadooyinka iyo xarumaha Maamulka ku aasay Miinooyin ay ugu talagaleen inay ku waxyeeleeyaan Huwanta halkaasi la wareegtay.

Howlgalka oo in muda ah qaatay ayaa lasoo sheegayaa in lagu bixiyey islamarkaana lagu burbiriyey Miinooyin badan oo laga soo bixiyey goobaha lagu tuhunsanaa.

Saraakiisha ku sugan Diinsoor ayaa ku goodiyey inay sameenayaan howlgalo ka dhan ah Shabaab oo maalmo ka hor ay ka saareen halkaasi, weliba ay baacsan doonaan goobaha ay ku suganyihiin shabaab.

Ciidamada isgarabsanaya ee Huwanta ah ayaa wada guluf colaadeed oo ay kula dagaalamayaan Dagaalayahaanada shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE