Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo gaaray Caabudwaaq.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya oo ku sugan Degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galguduud ayaa wada kulamo halkaasi uu kula qaadanaayo Saraakiisha Ahlu Sunnah ee Degmadaas gacanta ku haysa.

C/qaadir Sheekh Cali Diini oo xalay gaaray Caabud waaq ayaa sheegay inuu ka xunyahay dagaalada kusoo noq noqday Gobolka Galguduud islamarkaana wixii tabasha ah lagu dhameeyo wadahadal.

Wasiirka ayaa doonaya inuu xal siyaasadeed uu ku dayo xaalada murugsan ee Gobolka Galguduud iyo isu soo dhawaansho uu ka dhexe bilaabo Maamulka Ahlu Sunnah iyo Maamulka kale ee Galmudug.

Degmada Caabud waaq ayaa dhawaan waxa ka dhacay Dagaal u dhaxeeyey ciidamo kala taabacsan Maamulada ahlu sunnah iyo Midka C/kariin Xuseen Guuleed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE