Cali Dheere:waxaan u beegsanay Hotel Jaziira waa goobta Mu’aamaraadka laga..

Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), oo ah afhayeenka guud ee ururkw Al Shabaab, ayaa ku dhawaaqay in ururkw Al Shabaab uu ka dambeeyay weerarkii galabta lagu qaaday Hotel Jazeera, oo ku yaala degmadw Wadajir, kuna dhow Garoonka Aadan Cadde.

Gaari iska rogge ahaa oo lagu fuliyay weerarka, ayaa xoog ku galay albaabka hore ee Hotelka, waxaana u suurta gashay in uu isku qarxiyo ilinka hore ee Hotelka. Waxa uuna qaraxaasi gaystay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo burbur maaliyadeedba.

Sababta ay u beegsadeen Hotelka, ayuu Mudane Raage ku sheegay inay degan yihiin Hotelkaasi xubno Dowladda ka tirsan iyo Saraakiil Caddaan ah oo uu sheegay inay maalgeliyeen weeraradii ugu dambeeyay ee Shabaabka looga qabsaday deegaano ka tirsan Koonfurta Somaliya.

Af hayeenka waxa kaloo uu sheegay in Hotelkaasi uu hoy u ahaa dhinacyada dagaalka adag kula jira Ururka Al Shabaab, taasina ay ka dambeysay weerarka dhiigga badani uu ku daatay, ee ay ku qaadeen.

Cali Dheere oo la hadlay Warbaahinta afka Shabaabka ku hadasha, ayaa muujiyay sida ay diyaarka ugu weyn in dhinacyada ka soo horjeeda, ay meelkasta ugu beegsadaan.

Madax Dowladda Federalka Somaliya ka tirsan, marti ay Dowladdu dejisay iyo dad ajaaniib ah, ayaa ka mid ah dadka degan Hotelka. Ma cadda in waxyeelo ka soo gaartay qaraxaasi iyo in kale.

Waxa la sheegayaa in ay deganaayeen laba safaradood oo kala ah safarada Shinaha iyo safarada Qadar

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE