Genaraal Fartaag “Shabaab Waan Ka Saari Doonnaa Dhamaan Gobalada Jubbooyinka”.

C/hi Sheekh Ismaaciil Fartaag Madaxweyne ku Xigeenka Maaulka Jubbaland ee Axmed Madoobe ayaa ku hanjabay in Xarakada shabaab laga saari doono guud ahaan gobalada hoos yimaada maamulkooda.

Generaalka oo hada ku sugan Baardheere ka dib markii safar diyaaradeed uu ku tagay ayauu halkaasi ka sheegay in qursha aciidamad juwanta uu yahay sidii ay kula wareegi lahaayeen degmooyinka ku jira gacanta shabaab.

“Horay waan u balan qaadnay hadana waan balan qaadeynaa taako ka mid ah dhulka Jubbaland, Shabaab fadhin mayo ciidamada waxa ay ka dhaqaaqayaan Degmada Afmadoow iyo Dhoobleey si Jubadda Dhexe ay u weeraraan.” Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland.
Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Maamulka Jubbaland ayaa ku baaqay in taageero buuxda loo fidiyo Ciidamada iska garabsanaya Dagaalka ka dhanka ah alshabaab.
Talaabada Genaraal C/hi Sheekh Ismaaciil fartaag uu ku tagay Baardheere ayaa meesha ka saareysa tuhunka laga qabay in kooxo diidan Maamulka Jubbaland ay ku wehlinayeen Ciidamada huwan ee qabsaday Baardheere.
Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE