Jamhuuriyadda Soomaaliland oo Deegaanadooda Ka Musaafuriyey Dad qaba Cuduro Kala Duwan

Jamhuuriyadda Soomaaliland ayaa ku dhawaaqay inay Masaafuriyeen Dad qaba Xanuuno kala duwan oo u badan Xanuunada Faafa.

Dadka La Musaafuriyey ayaa ahaa Itoobiyaan qaba Xanuuno ay ka midyihiin Juudaanka iyo kuwa kale oo lays qaadsiiyo.

Taliyaha Laanta Socdaalka ee Soomaaliland Col. Maxamed Cali Yuusuf ayaa sheegay in tirada ay masaafuriyeen ay gaarayaan 200 oo qof oo ku kala sugnaa Gobalada Gibiley, Awdal iyo Hargeysa.

Taliyaha ayaa sheegay in dadkaasi ay ku wareejiyeen Mas’uuliyiin Itoobiyaan ah oo ku sugan Wajaale.

“Howlgalkan waxa uu yahay mid joogta ah waana mid looga hortagaya wax alaala wixii qaba cudurada faafa” ayuu yiri taliyaha.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran