Madaxweynaha Dalka oo Ka Tacsiyadeeyey Xillibaan Ka Tirsanaa Mudanayaasha Baarlamaanka oo Muqdisho Lagu Toogtay.

Madaxweynaha Dowlada Fedaraalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ka tacsiyadeeyey Xillibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Fedaraalka oo kooxo hubeysan ay ku Dileen Magaalada Muqdisho.

“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun. Aad baan uga xumahay dilka kooxaha nabad-diidka ay u geysteen Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Maxamuud oo shahiiday isagoo hawl qaran gudanaya. Dilalkan marnaba nagama hor istaagi doonaan inaan horey u sii dhaqaaqno, waxaana hubaa Ilaahay idankii in kooxahan nabadda ka soo horjeeda dalka laga ciribtiri doono dhowaan.” ayuu yiri Madaxweynaha.

Kooxo hubeysan ayaa Muqdisho gaar ahaan Degmada Wadajir ku toogtay Xillibaan C/hi Xuseen Maxamuud Baantuu oo djawaan ku Mudanayaasha Baarlamaanka ka dib geeri ku timid aabihii.

Xillibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa dhacdadaas si kulul u cambaareeyeyt ugu baaqay laamaha amniga ee Dowlada inay baaraan kooxii dilka geystay.

Inta Mas’uuliyiinta Dowlada iyo shakhsiyaadka xilalka ka haya Dowlada ayaa la kulma weeraro lagu waxyeeleeyo mana jirto cid wax ka qabata kooxha waxyeeleenta ka dambeeya, marka laga reebo cambaareyn.

Dagaalyahaanada Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada Dilka loo geystay Xillibaanka Ka Tirsan Baarlamaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran