Madaxweynaha Dowlada Fedaraalka ee Soomaaliay oo Kismaayo Gaaray

Wafdi uu hugaaminayo Madaxweynaha Dowlada Fedaraalka ah Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxa halkaasi kusoo dhaweeyey Madaxda Maamulka Jubba oo ugu horeeyo Axmed Madoobe.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaan la ogeyn ujeedada ka dambeysa, isagoona xilligan ku sugan qaybta nasiinada ee Garoonka Kismaayo.

Safarkan ayaa imaanaya iyadoo Maamulada dhalasha wadaagta ah ee Jubbaland iyo Puntaland ay xor guf kala dhaxeyso Dowlada Muqdisho ee Xasan Sheekh uu hugaamiyo.

Waxaa lagu wadaa inay shir jaraa’id wada qabtaan oo ay kaga hadlayaan safarka iyo kulamo ay ku wada yeelanayaan Kismaayo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE