Odayaal Dhaqameed iyo Maamulka Deegaanka oo Kulan Wadatashi ah Ku Yeeshay Degmada Nambar 50 (Sawiro).

Kulan Wadatashi ah oo ka dhacay Degmada Nambar 50 ayaa waxa wada qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Biimaal iyo Mas’uuliyiinta Deegaanka.

Ugaas Axmidey Siid Cali, Caaqil Maxamed Abuukar Tima Guduud, Nabadoon Banduuqow, Aqoonyahaan Barre Shiino iyo Ugaas Faarax Cabdi Sheekh oo dhamaantood matalayey Beesha Biimaal ayaa dhawaanahan ku sugnaa Degmada Nambar 50 halkaas oo kulamo kala duwan ay kula soo qaateen Maamulka Deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Kulmada ayaa ku saabsanaa wadatashiyo ku aadan sidii Beesha looga xoreyn lahaa kooxo ismagacaabay oo ku sugan Muqdisho oo Magacyo Been abuur ah ku qabsaday jagooyin aan loo dhiiba oo afduubtay Masiirka Beesha Biimaal kuna bedeshay nooli yar oo danahooda ay u arkeen.

Intii ay socdeen kulamada ayaa lagu gaaray go’aano muhiima, iyadoona lagu balansanyahay kulamo kale oo dhawaan dhici doona ayna ka qayb qaadan doonaan dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Wadatashigan ayaa lagu hoos qabtay Geed harkiisa, dadka wax falanqeeya ayaa ku tilmaamay mid yeelan doona natiijo wax ku ool ah marba hadii talada loo celiyey Geed hoostiisa taasna ay ka micna tahay in waqtiyada dhow laga xuroowi doono shirarka shirqoolada ah ee Hotellada lagu qabto.

IMG_0235

IMG_0232

 

IMG_0252 ugaas 2

ugaas  1

IMG_0267

IMG_0265

IMG_0266

IMG_0268 IMG_0269 IMG_0270 IMG_0271 IMG_0272 IMG_0273 IMG_0274 IMG_0275 IMG_0276 IMG_0277

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran