Sarkaal Ka Tirsan Shabaab oo Ku Hanjabay Inay La Wareegayaan Degmooyinka Laga Saaray.

Dagaalyahaanada Shabaab ayaa sheegay inay Dib ula wareegayaan degmooyinka ay ka qabsadeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa amisom ee howlgalka ka wada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Sheekh Xasan Yacquub Cali oo Xarakada Shabaab u qaabilsan Gobolka Galguud ayaa sheegay inay wadaan howlgal ay dib kula wareegayaan gacan ku heynta Degmda Ceelbuur ee oo gacanta ugu jirta Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlada.

Sarkaalkana ayaa tilmaamay in Ciidamada halkaasi u sugan ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyin kala duwan oo xaga nolosha ah taasna ay u suura gelin karto sida uu sheegay inay dib u qabsadaan Ceel biir.

“Dhamaanteen aan diyaargaroow galno ciidamadaan Itoobiya ee dhaq-dhaqaaqa wada aan ka qabsano Ceelbuur, lacag ma’ahan diyaargaroowga waa in la qabsado qoriga oo muslimiinta ay dhaqaaqaan qoriga in la wada qaato oo dhalinyarada ay dhaqaaqaan, Odayaasha ay dhaqaaqaan waan qabsanaynaa Ceelbuur iyo meelo kale.” Ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub.

Shabaab ayaa Maalmihii ugu dameysay laga saarayey Degmooyin dhaca gobalada Gedo iyo Baay iyadoona hada wsada qorshe ay ku go’doomineyso degmooyinka laga fara maroojiyey.

Ciidamada huwanta ayaa wada qorshe aan istaraatiijiyad lahayn oo maaaama degmooyinka ay la wareegeen deegaanada hoos yimaada ay maamulayaan Dagaalyahaanada shabaab taasna ay keeni karto ama ay sahli karto go’doominta degmooyinka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran