Warar kal duwan oo Kasoo Baxaya Qarax Xoogan oo Lagu Weeraray Hotel ku Yaala Muqdisho

Waxa ka soo baxaya warar dheeraad ah qaraxii ka dhacay ilinka hore ee hotel Jaziira, ka dib markii ay garixii qarax fulinayay oo baabuurta raaxada ayaa dhowr rasaas ay ku rideen ilaalada hoteelka.

Baabuurkaan ayaa lagu dhuftay albaabka hore ee hotelka, halkaas uu ka dhacay qarax aad u xoog badan oo gilgilay tolelka iyo agagaarkiisa, hotelka ayaa waxa ka socday shirar kala gedisan.

Weerarka ayaa la fashiliyay sida ay wararka sheegayaan ma u suurta gelin in ay gudaha u galaan hotelka qoladii soo qaatay weerarka,Khasaaraha ayaa waxa la sheegaya in laba ka mid ah ilaalada hotela ay ku dhinteen iyo 7 shacab ah oo marayay wada ay ayagana ku naf waayeen.

Weli waxa aan si sax ah loo ogaan karin sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha dhibta ah, mana jirto cid sheegatay qaraxa halkaas ka dhacay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE