Wararkii ugu dambeeyey ee Kismaayo iyo Madaxweynaha oo Lagu Wado Inuu Halkaasi Gaaro.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubba ayaa kusoo waramaya in halkaasi uu ku wajahanyahay Madaxweynaha Dowlada fedaraalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hugaaminayo.

Wararka ayaa intaasi raacinaya in xilligan diyaargarow laga dareemayo Magaalada kaas oo lagu soo dhaweynayo Wafdiga Xasan Sheekh.

Waxaa guud hakad ku jira isa socodka dadka iyo gaadiidka ee Kismaayo gudaheeda, waxaana wadooyinka lasoo dhoobay Ciidamo badan oo kuwa amaanka qaabilsan ah si ay amniga u xaqiijiyaan.

Lama oga sababta ka dambeysa safarka Xasan Sheekh ee uu ku tagi doono Magaala Madaxda Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe uu hugaamiyo.

Wixii kusoo kordha safarka halkaan ayaan idin kugu soo gudbin doonnna.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran