Xaflada Loogu Dabaal Degayey Guusha Ciidamada Deegaanka oo Lagu qabtay Nambar 50 (Sawiro).

Munaasabada Lagu taagarey Guulaha Isdaba jooga ah ee Ciidamada Deegaanka ay ka gaarayaan Dagaalada ay kula jiraan Maleeshiyaadka dhul ballaarsiga ayaa lagu qabtay Degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Munaasabada ayaa waxa ka qayb galay Mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Hogaanka Ciidanka Deegaanka ahna Gudoomiyaha Degmada Nambar 50, C/hi Waafow, Gudoomiye ku xigeenka Siyaasada Nambra 50 Cabdow Abuukar Axmed, Mas’uuliyiinta kale ee Maamulka Deegaanka, Taliyaha Ciidamada Deegaanka Col. Maxamed Sheekh Xasan iyo Mudanayaal kale.

Mas’uuliyiinta oo kusii socday goob lagu sii diyaarinayey Xaflada ayaa socod dheer ku maray Wadooyinka Deg Nambar 50 iyagoona mid mid usalaamayey qof kasta oo wadada taaganaa, waxay kaloo gudaha u galayeen Dukaamada iyo goobaha kale ee ganacsiga halkaasi oo dadka ay ku weydiinayeen siday u socdaan howlahooda.

Mas’uuliyiintan oo ku faraxsanaa Munaasabada loogu dabaal degayo guulaha Ciidamada deegaanka ayaa ugu dambeyn gaaray goobtii ay xafladu ka dhaceysay.

Goobta Munaasabada ayaa waxaa lagu soo bandhigay halku dhigyo lagu muujinayey sida loogu faraxsanyahay in Ciidamada deegaanka ay sii qabtaan dhul hor leh oo gacanta ugu jiray Maleeshiyada dhul ballaariga ka wada Shabeelada hoose.

IMG_0305

IMG_0306 IMG_0307 IMG_0308 IMG_0309 IMG_0312 IMG_0313 IMG_0314 IMG_0315 IMG_0316 IMG_0319 IMG_0320 IMG_0321 IMG_0322 IMG_0323 IMG_0324 IMG_0325 IMG_0326 IMG_0328 IMG_0329 IMG_0330 IMG_0331 IMG_0332 IMG_0333 IMG_0334 IMG_0341 IMG_0342 IMG_0343 IMG_0344 IMG_0345 IMG_0346 IMG_0347 IMG_0348 IMG_0349 IMG_0350

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE