Goormaa lasoo Galbin Doonaa Maamulkii Marka loo Dhisay ee Muqdisho Soo dhaafi La’ (Warbixin).

Waxaa weli Magaalada Muqdisho soo dhaafi la’ Maamulkii Shariif Xasan ee uu ku dhisay Degmada Afgooye oo Maamuladii lala dhisay isla magacaabidooda ka dib ay ka howlgaleen degmooyinkii loo magacaabay.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Marka ayaa si toos ah u diiday Maamul ay ku jiraan Moorayaantii lala dagaalamayey ee dhibka u geystay shacabka.

Odayaasha ismagacaabay iyo Siyaasiyiinta Calooshooda u shaqeystayaasha ah ee Maamulka wax kasoo dhisay oo ay kaabayaan Kaaba Mooryaano ayaa dadaal iyo xusul duub ugu jiray inay Maamulka Marka usoo galbiyaan.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Cabdalla Xuseen ayaa sugayey dhameystirka dalab ay u gudbiyeen Odayaasha ismagacaabay ee ahaa in la siiyo hal guuto oo Ciidan ah oo lagu galbiyo Maamulka si loo muquuniyo shacabka diidmada kala hortagay dhoodhoobka shariif iyo calooshooda u shaqeystayaasha marin habaabay.

Odayaasha ismagacaabay ayaa kaaba Mooryaanta ku dhiira geliyey in shacabkooda aan la weydiin wax rabitaan ah balse la muquuniyo kaliya taasna iyaga inay ka shaqeyndoonaan.

Kooxo Kaaba Mooryaan ah ayaa dhawaanahay warbaahinta ka sheegayey in Marka ay weli lahayn wax Maamul ah maamulkii dhawaan la magacaabayna uu fadhiid ku noqday Muqdisho.

Waxyaabah u sahli karay Maamulka inuu Marka Yimaadi iyo wax ka horistaagay.

Ma ahayn wax lagu faanayey rabitaan shacab ama tixgelinta dadka deegaanka hase ahaatee waxa meesha ku jirtay in Mooryaanta gobolka xooga ku tagtay loogu sharciyeeyo inay Maamulka waardiyeeyaan hadii uu culeys uu kaga yimaado deegaankana ay u qayla dhaamiyaan kuwa sharciyeeyey.

Qabsashadii Ciidamada deegaanka ay qabsadeen deegaanada Buufow Bacaad iyo Gandaawi ayaa hal mar waxay meesha ka saartay fikirkii ay qabeen Kaaba Mooryaanta iyo Odayaasha ismagacaabay oo isku biirsanayey dhibaateenta Umada Shabeelad hoose.

Hadaad awood ku muquuniso shacabka waxa taasi diiday oo hore qori ugu qaatay Ciidamo dhibaata Diid ah oo laba midkood go’aansaday.

Inay deegaanka guul markasta usoo hoyiyaan oo gabartooda ay nabad dhabkeeda ku xirato iyo inay ku dhintaan dagaalada oo aan shaki ku jirin inay ku dhinteen wado wanaagsan oo qayb ka ah cabsida alle iyo raali gelinta alle marba haday diideen ku noolaasho dulli iyo inay indhaha ka fiirsadaan Kufsiga, maati layska, iyo dulleynta shacabkooda.

Kaaba Mooryaanta iyo Calooshooda u shaqeystayaasha Muqdisho fadhiya ayaa farahooda waxba ku jirin soona fariistay meel cid ah.

Ujeedka Ciidamada deegaanka ayaa ah inay gacanta ku dhigaan guud ahaanba degmooyinka iyo deegaanada ay Beesha degto.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran