Qarax Goordhow Ka Dhacay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in goordhow uu ka dhacay qarax xoogan.

Warar aan ka heleyno ayaa sheegaya in gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey uu ku qarxay wadada u dhaxeysa isgoyska Towfiiq iyo Fagax ee Degmada Yaaqshiid.

Gaariga qarxay ayaa lasoo sheegayaa inuu ahaa nooca Kaaribta ah islamarkaana lagu eryanayey Gaari kale oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Fedaraalka ah.

Sida ay timaamayaan goob joogayaal qaraxa ayaa inta la ogyahay waxa ku geeriyooday ruuxii watay, oo markii hore dhaawac uu soo gaaray ka dibna uu u geeriyooday dhaawaca.

Waxaa goobta soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Fedaraalka oo isku gadaamay goobta ay wax ka dhaceen.

Magaalada Muqdisho ayaa marti gelineysa Weerarada qaraxyada ah ee ay fulinayaan dagaalayahaanada shabaab ee la dagaalamaya Dowlada iyo saaxiibadeeda ku suagn guadaha Dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE