Wariyeyaal Ku Geeriyooday Qaraxii Shalay oo Maanta Lagu Aasay Muqdisho.

Allah u naxriistii waxa Maanta Magaalada Muqdisho lagu aasay Wariyeyaal u kala shaqeenayey Tv-yada Universal iyo SBC.

Aaska waxa ka qayb qaatay Bahda Saxaafada Soomaaliyeed iyo Ururka Suxufiyiinta Nusoj iyagoona si weyn u cambaareeyey falka lagu dilay Wariyayaasahn.

Marxuum Maxamed Cabdikarim Macalim oo u shaqeynayay telefishinka Universal iyo Cabdixakim Maxamed Cumar oo ku geeriyooday qarax bambaano oo shalay ka dhacay banaanka Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho halka weriye Salmaan Saciid uu dhaawac wejiga iyo gacanta bidix ka soo gaaray, haatana lagu dabiibayo isbitalka Madiina ee Muqdisho.

Xogayahaya guud ee ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Maxamed ibraahim bakistaan oo ka qaybgalay aaska suxufiyiinta oo ka dhacay qabuuraha dugsiga tababarka Gen. Kaahiye ayaa si kulul u cambaareeyey falkan ay ku geeriyoodeen Suxufiyiinta.

Dhammaan bahda Saxaafada ayaa ku tilmaamay Dilka wariyeyaasha Soomaaliyeed kuwo laga xumaado Maadaama ay ku shaqeenayaan marxalado Qatar badan oo xaga amniga ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE