Wasiir Hadliye “Wax Saameen ah Uma Geysanayo Diblomaasiyiinta Weerarada”

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya C/raxmaan Hadliye Cumar oo ka hadlayey qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wax saameen ah aanu ku yeelanayn Diblumaasiyiinta imaaneysa Wadanaka.

Waxa uu sheegay in Dalalka Caalamka ah ay ka dhacaan Weeraro noocaan oo kale ah islamarkaana dowlada Fedaraalka ay hada ku howlantahay sidii loo yareen lahaa weerararada lagu qaadayo xarumaha ay degenyihiin diblumaasiyiinta.

“Waa qarax Islaamnimada ka baxsan waa mid ka baxsan beni’aadanimada tacsi ayaan u direynaa dadkii ku dhintay weerarka argagixiso adduunka oo dhan ayaa ka xun falkaasi shacabka Soomaaliyeed ayaa ka xun Soomaaliya horey ayay u soconeysaa uma dhutineyno weeraro naf la caari ah oo lala beegsado goobaha ay shacabka isugu yimadaan”ayuu yiri Wasiir Cabdisalaan Hadliye.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in saaxiibada Soomaaliya ay kala qayb qaadan doonaan xasilooni kusoo dabaalidda Wadanka isagaoona intaa raaciyey in wax saameen ay u arki doonin weerarada noocaan oo kale ah.

Hotel Jaziira oo shalay weerar lagu qaaday ayaa waxa degen Diblumaasiyiin ajaaniib ah, waxaana hotelka gudihiisa ku dhex yaala Safaarado ilaa seddax gaaraya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran