Duleedka Degmada Afgooye oo Ay kusoo badanayaan Isbaarooyinka dadka lagu dhibaateeyo.

Maleeshiyaad ku labisan dareeska Ciidamada Dowlada ayaa jid gooyooyin badan soo dhigtay deegaanada duleedka ka ah degmada Marka.

Jidgooyooyinkan ayaa lagu dhibaateeyaa dadka shacabka ah ee saaran gaadiidka rakaabka ee u kala safraya Muqdiho iyo gobolada kala gedisan ee dalka.

Wadooyinka kala aada dhinacyada Galbeed iyo Koonfur ee afgooye ayaa waxa bilqan ama daadsan sbraaiyin ay soo dhigteen Mooryaan halkaasi dadka ku dhibaateeneysa kuna labisan dareeska Ciidamada Dowlada.

Duleedka koonfureed ee Afgooye ayaa lasoo sheegayaa inay yaalaan -7 isbaaro inta u dhaxeysa Afgooye ilaa Garas Naasir halka loo yaqaano oo ah meel ku dhow deegaanka Muuri.

Duleedka Galbeed ee wadad aada Daafeed ayaa lasoo sheegayaa inay yaalaan in ka badan 12 Isbaaro, Isbaariiyinkaas ayaa waxaa dheer soo boodoy dadka rakaabka ah iyo gaadiidkaba lagu dhaco.

Isbaarooyinkaan qaar kood ayaa lasheegaa inay u yaalaan saraakiil sheegta inay ka midyihiin sraakiisha Dowladeed oo la rumeysanyahay inay lacagaha si sharci dara ah u ka qaataan.

jidgooyooyinkan ayaa qayb ka ah dhibaatooyinka ka jira shabeelad hoose oo aanay jirin cidwax ka qabneysa, waxaa gobolka ku sugan Maleeshiyo shaar qabiil huwan oo ku howlgala magac dowladeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran