Gudi Xaqiiq Raadin Gaaray Magaalada Marka oo Kulan Laqaataya Amisom.

Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa Maamlintii shalay waxa soo gaaray gudi xaqiiq raadin oo ka socda Ha’adaha UN-ka si ay wax badan uga ogaadaan Dhibaatadii ay sababtay Amisom ee dhawaan ka dhacay Marka.

Gudigan ayaa Diyaaradaha UN-ka ah kasoo raacay Muqdisho, waxay kusoo degteen deegaanka Ceeljaale hlkaas oo ay kasoo galbiyeen dabaabaadka amisom ay ku dgaalanto.

Markay gudaha usoo galeen Marka ayaa waxay kulan Xarunta Dowlada hoose ay kula kulmeen Saraaiisha Amisom iyo Gudoomiyaha Degmada Marka oo weli siihaya Xilka Gudoomiyaha Maxamed Cusmaan Cali Yariisow.

Gudiga ayaa Amisom weydiistay wax aka jira inay si bareer ah u dileen dad shacab ah oo an ku lug lahayn dagaalada looga soo hor jeedo iyo waxa sababy dhibaatadaas ay ku nafwaayeen ku dhawaad 20 ruux.

Warbixino ayaa jiray oo laga dhegey Sii haayaha Xilka Gudoomiyaha iyo Col-ka haysta Saldhiga degmada Marka oo aan lahayn awood Boliis oo ku filan iyo taageero Dowladeed.

Dhamaan Mas’uuliyiinta ayaa ka sheekeeyey siday kusoo gaartayu warbixnta iyo dhibaatada xaga amaan ee Mark aka jira.

Saraakiisha Amisom ayaa tilmaamay inay sameeyeen howlgal ay kaga hortagayeen weeraro kaga soo wajahnaa goobaha ay baaritaanka ku sameeyeen ayna kasoo qabteen hub,walxaha qarxa iyo agab kale oo ay ku sheegeen inay isticmaalayeen kooxihii ay meesha ugu tageen.

Amisom ayaa iska fogeysay eedeymaha loo soo jeediyey, waxayna ku adkeysteen inay dileen dad iyaga la dagaalmay.

Mashaqadii dhawaan ka dhacday Marka ayaa kusoo jeeda indhaha Warbaahinta, waxaana jira inkiraad ay Amisom weli inkirsantahay dhibaatadii ay geysatay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE