Warbixin Horu Dhac ah oo Laga Soo Saaray Shakhsigii ka dambeeyey Weerarkii Hotel Jaziira ee Muqdisho.

Baaritaano xoogan oo ay ka qayb qaadanayaan Saraakiil isugu jira Soomaali iyo Cadaan islamarkaan qaabilsan xaga amniga ayaa iska kaashanaya sidii loo ogaan lahaa shakhsigii nafti huraha ahaa ee fuliyey Weerarkii lagu qaaday Hotel Jaziira ee Magaalada Muqdisho.

Qaybo ka mid ah Hilbaha shakhsigan ayaa laga qaaday dheecaanka DNA si loo hubiyo Wadanka uu ka yimid ee uu ku noolaa iyadoo laysku raacay inuu ahaa shakhsi Wadanka ka maqnaa.

Sida la tuhamyo Ninkan ayaa ka yimid Mid ka mid ah Wadamada Yurb Gaar ahaan Jarmalka dhawaanna dib ugu soo laabtay Soomaaliya si taageero uu u siiyo Dagaalamayaasha Shabaab.

Weerarka oo Mas’uuliyadiisa ay Sheegatay Xarakada Shabaab ayaa waxa fuliyey ruux watay gaari nooca waaweyn kaas oo xoog ku galay albaabka hore ee laga galo Hotel Jaziira.

Hotelka ayaa sida la aaminsanyahay waxa degenaa Diblumaasiyiin badan oo taageera Dowlada fedaraalka waxaana uu ka mid ahaa goobaha sida weyn loo ilaaliyo ee Muqdsho ku yaala.

Weerarkana ayaan ahayn kii ugu horeeyey ee lagu qaado Hotelkan hase waxaa muuqata in Dowlada Fedaraalka ay awoodi Karin inay ka hor tagto weerarada bahalnimada ah ee lagu qaadayo Hotelada iyo Xarumaha Dowlada.

Bishii Ramadaan ee aynu kasoo gudubnay ayaa sidoo kale waxa weeraro isugu jira qaraxyo iyo mid fool ka fool ah lagu galay hotello ku yaala Muqdisho.

Hay’adaha amniga ku shaqada leh ayaa marka loo eego siday u howlgalaan aan lahayn feejignaan iyo mas’uuliyad gooni ah oo ka saaran sugida ammaanka Muqdisho.

Hay’adaha ayaa ka howlgala kaliya Magaalada Caasimada ah ee Dalka iyagoona awoodi la’ inay filnaadaan howlaha loo igmaday.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran