Wasiirada Koonfur Galbeed ee Biimaal iyo Madaxweynahooda oo Isku Maandhaafsan Dhaqaalihii intay Joogeen qaybo ka mid ah Shabeelada Hoose.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Shabakada Wararka Markanews.net ayaa sheegaya in shir ay wada qaateen madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wasiirada kasoo jeeda Shabeelada Hoose gaar ahaan kuwa Beesha Biimaal uu kusoo dhamaaday fashil iyo Isfaham la’aan.

Wsiirada ayaa shirka ay la qaateen Shariif Xasan waxa ku wehlinayey Ibrahim Cali Xaaji oo ahaa Mas’uulkii Wasiirada dhex joojiyey fashilka siyaasadeed ee ka raacay safarkii ay ku tageen Shabeelada Hoose.

Wasiirada ayaa kala ahaa, Maxamed Xasan Fiqi, Macallin Barre, Xuseen Cali Xaaji iyo Binti iyo Ibraahin Cali Xaaji oo ahaa shakhsiga daaha gadaashiis howsha ka maamulayey, waxaana ka maqnaa wasiir C/hi Muuse iyo Wasiirka dekadaha iyo mid kaloo aan jagadiisa helin, sababta wasiiradaas looga reebay ayaa la sheegayaa inay tahay iyagoo markii hore aan ka qayb galin safaradii fashilkii dhaliyey ee lagu tagay Marka iyo deegaanada kale ee Sh.Hoose.

Wasiirada ayaa Shariif Xasan weydiistay in uu meel ku sheego lacag ku dhan $35,000(soddon iyo shan kun dollar) oo ay ku sheegeen dhaqaalihii la isticmaalayey intay ku sugnaayeen Shabeelada Hoose, dhaqaalaha ayey u kala qaadeen lacago si laaluush ah loo siiyey dad ay u arkayeen inay kasoo horjeedaan danahii ay u safreen, kala jeedinta ciidankii dagaalamayey iyo dhaqaale ku baxay nolol maalmeedkooda.

Sidoo kale, Wasiirada ayaa Madaxweyne Shariif u sheegay in Marka ay kaga soo tageen dhaqaale la’aan ayna soo joogi waayeen marba hadii ay ka xirmeen albaabadii ay ka heli jireen dhaqaalihii ay ku maareyn jireen noloshooda iyo dadka ka horyimaada.

Shariif Xasan ayaa si xariifnimo ay ku jirto u weydiiyey natiijada safarka ay ku tageen Shabeelada Hoose iyo waxay kala soo kulmeen maadaama ay afkooda ka qirteen in fashil dhaqaale ay meesha usoo joogi waayeen.

Wasiirada oo sida aan ku helnay xogta dhibsaday su’aashaas ayaa ku andacooday in intay kari karaan ama ay wadi kareen ay ku dadaaleen hase ahaatee waqtiga oo ku yaraa iyo dhaqaalaha ay wateen oo xadidnaa darteed ay wax badan u suurto geli waayeen.

Madaxweynaha ayaa u sheegay in waqti xaadirkan aan la heli karin dhaqaalahaas iyo waxa ay ku doodayaan.

Wasiirada iyo Ibraahim Cali Xaaji ayaa Shariif Xasan ku eedeeyey inuu yahay qof aan daacad u ahayn xilka uu haayo,isla markaana uu uga baxay balantii uu la galay intii aanu xilka qabanin sidaas darteedna ay qaadan doonaan go’aan ka dhan ah maamulkiisa.

Shariif Xasan ayaa  u sheegay wasiirada iyo Ibrahim Cali Xaaji in waqtigan Maamulka Koonfur galbeed aan cid aqoonsi ka rabin islamarkaana uu hirgalay cidii ka hortimaadana loo arkayo qas wadayaal aan maamul rabin.

Ugu dambeyntii Wasiiradii awooda isbidayey oo sheeganayey inay iyagu yihiin mishiinka dhaqaajiya maamulka Shariif Xasan ayaa iyagoo careysan kasoo huleelay goobta ay ku booqdeen.

Waa Fashil la saadaalinayey in Shariif Xasan ay kala kulmi doonaan wasiirada kala socda ee aan mabda’lahayn maadaama ay goor sii horeysay ay noqdeen mas’uuliyiin xilkooda gabay, waxaana hada muuqata ay  halis ku jirto kuraastii ay ilaashanayeen oo ay uga aamusnaayeen dhibaatada dadkooda iyo deegaankooda haysata.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran