Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey Gudoomiyihii Gobolka Shabeelada Hoose (Xog).

Warar lagu kalsoonyahay oo kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose lagu sameeyey xilka qaadis ka dib markii ay go’aan ka gaareen Madaxda kalitaliska ah ee Maamulkaas hugaamisa.

Ilahan xog ogaalka ah ayaa tilmaamaya in C/qaadir Siidii oo ka hoos shaqeen jiray Kaaba Mooryaanta uu hada ku maqanyahay dalka dibadiisa islamkaana lasoo saaray wareegtada xilka looga qaaday.

Laguma sheegin warqada sababaha xilka looga qaaday Siidii iyo goorta la shaacin doono xilka qaadistiisa oo in muda ah ay shacabka sugayeen.

War aan lagu kalsoonaan karin ayaa sheegaya in Sharrif Xasan uu wado dadaal ku aadan in mid ka mid ah Kaaba Mooryaanta dadka silciyey uu ku abaal marin doono xilka uu baneen doono C/qaadir Siidii.

Shariif Xasan ayaa Degreetooyin badan ku magacaabay Kaaba Mooryaan uu u xalaaleeyey jagooyin been abuur ah oo hore ay u taabsadeen mana jirto shariif cid uu kala tashto magacaabidda Kaaba Mooryaanta.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in si rasmi ah loo shaaciyo jagada laga qaaday C/qaadir Siidii iyo Kaaba Mooryaanka loo dhiib doono.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran