Dagal culus oo Al Shabaab ku qaaday gudaha Kenya

Goordhow  war naga soo gaaray Jaziirada Lamu ee Dalka Kenya, ayaa sheegaya in Dagalamayaasha Al-shabaab ay goordhow weerar culus ku qaaden Jaziirada Lamu.
Dagalamayaasha ayaa weerarka ku qaaday Kolonyo gaadiid oo ay la socdeen Ciidamada Kenya kuwaasi oo maraayay degaanka Lamu.

Weerar Dhaba gal ahaa ayaa waxaa ka dhashay iska horimaad Culus oo dhexmaray Ciidamada Militariga Kenya iyo kuwa Al-shabaab, waxaana la soo warinayaa in Ciidamada Kenya ay gaareen khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh, gaadiid dagaal looga gubay.

Waxa kale khasaraha gaaray Maleeshiyaadka Al-shabaab iyo sidoo kale Dad rayid ah inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin.

Al-shabaab ayaa weeraro dhowr ah waxaa ay ka geysteen Degaano iyo Degmooyin dhaca Gobolada Waqooyi Barri ee Dalka Kenya iyo gudaha wadanka Kenya.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE