Deg Deg Dagaal Xoogan oo hada Kasocda Shalambood.

Wararka ka imaanay deegaanka shalambood ee duleedka Marka ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu halkaasi ka socdo.

Dagaalka ayaa yimid ka dib matrkii Ciidamada deegaanka ay weerar ku qaadeen jidgooyo Tiilay Suuqa Khudaarta ee Degaanka shalambood halkaasi oo ciidamada deegaanka ay si fudud kula wareegeen.

Maleeshiyaad ka amar qaata Xasan Jaamici oo ku sugnaa Shalambood ayaa usoo gurmaday Mooryaanta Isbraada lagu weeraray, waxaana hada socda dagaal xoogan oo laysku adeegsanaayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dad ku dhaqan shalambood ayaa kusoo waramaya in ay maqlayaan rasaas xoogan ay adeegsanayaan dhinacyada dagaalamaya.

Wixii kusoo kordha halkan ayaan idin kugu soo gudbin doonnaa.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE