Maanta maxa ka socda magaalada Muqdisho (SAWIRO)

Maanta waxa magalada muqdisho ka furmay Shir heer caali ah oo loogu hadlaayo Hiigsiga 2016, xilli labada gole ee Soomaaliya ay soo saar war murtiyeed kaas oo lagu sheegay in ay doorasho ka dhici Karin Soomaaliya 2016, Shirka waxa furay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud..

Shirkaan oo ka socda dhismo ku yaallo Dhabarka dambe ee Xerada Afisiyooni, oo Garoonka Muqdisho ka tirsan, ayaa waxaa ka qaybgalaya wakiilo ka socda Beesha caalamka, Dowladda Federalka Somalia iyo Ergooyin kale.

Waxaa kaloo ka qaybgalaya shirka Madaxweynayaasha qaar ee Maamul Goboleedyada dalka Somalia.

Madaxweynaha Somalia oo shirka furay ayaa ka hadlay ahmiyada Dowladda Somalia ay u leedahay shirkaan maanta ka qabsoomay Magaalada Muqdisho, wuxuuna Madaxweynaha ammaanay doorka caalamka uu ka taagan yahay taageerada Dowladda Somalia.

Khudbada Madaxweynaha Somalia ayaa hada socota, Shirka waxaa shir Guddoominaya Madaxweynaha Somalia iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Kay.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyay oo Magaalada waxaa isaga kala gudbaya Gaadiidka ciidamada ay wataan.

1 416

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE