Golaha Ammaanka ee QM oo muddo kordhin u sameysay joogashada ciidamada AMISOM iyo…

 

War ka soo baxay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lau soo saaray qaraar lagu dar dar galinayo taageerada Beesha caalamka ee Soomaaliya si xasilooni loogu soo dabaalo dalka.

Beesha caalamka ayaa waxay daneyneysaa in Soomaali ay cagaheeda ku istaagto, kana baxdo fowdada iyo kala danbeyn la’aan.

Xubnaha golaha amaanka ayaa sidoo kale waqti dheeraad ah u kordhiyey inay sii joogaan Soomaaliya xafiiska QM ee UNSOM iyo howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Xafiiska howlgalka UNSOM ee Soomaaliya ayaa la gaarsiiyay ilaa iyo dhamaadka bisha March sanada 2016-ka, iyadoo Qaraarka golaha amaanka lagu amaanay doorka ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM sida ay uga qeyb qaateen la dagaalanka Xarakada Al-shabaab.

QM ayaa sheegtay in sii wadayso taagerada AMISOM dhinac waliba, iyadoo Goluhu sheegay inaysan suurtagal aheyn ciidamada nabad ilaalineed oo ka socda QM in la keeno Soomaaliya sidaa darteedna ay AMISOM sii wataan howlgalkooda ilaa iyo 2016-ka.

Laga soo bilaabo burburkii dawladdi dhaxe ilaa maanta ayaa QM, ayay ku mashquulsan tahay sidii lagu xasilin lahaa iyadoo isku dayo badan ay fashimeen ayaa haddana ay ka soo muuqan guulo lagu gaari karo Soomaali oo xasilan.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE