Salaad Cali Jeele “Baarlamaanka iyo Xukuumada inay Iskoontaroolaan ayey leeyihiin, inay war isla soo saaraan Malahan”.

Salaad Cali Jeele oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay Dowladhii KMG ahaa ee dalka soo maray ayaa waxa uu ka hadlay warka sida wadajirka ah ay usoo wada saareen Xukuumad iyo Baarlamaanka fedaraalka.

Gudoomiayaha Xisbiga Midnimo iyo dumuqraadiyada ahna Gudoomiyaha daladaha Xisbiyada dalka ayaa ka horymid go’aanka wada jirka ah ee ay soo saareen xukummda iyo Baarlamaanka islamrkaana ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in arintani ay niyad jab ku tahay shacabka Soomaaliyeed oo ku hanweynaa iney doorasho u dhaqaaqaan sanadka 2016ka,wuxuuna farta ku fiiqay in baarlamaanka iyo xukuumadda Soomaaliya ineysan xaq u lahayn iney gaaraan go’aankaasi.

Waxaa soo baxaya dhaliilo xoogan oo loo jeedinayo Xukuumada iyo Baarlamaanka taas oo ku saabsan go’aanka wada jirka ay usoo wada saareen Maalintii shalay ahayd.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran