Shirka Hiigsiga Sanada 2016ka oo Maanta Lagu qaban doono Magaalada Muqdisho.

Shirkan looga hadli doono hiigsiga Sanada 2016ka oo lagu balansanaa in la qabto doorasho xor ah ayaa lagu wadaa inuu Maanta ka furmo Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu noqon doonaa Shirkii labaad oo heer wasiir ah oo ay kasoo qayb galaan Dowlado gaaraya ilaa 30 dowladood iyo Marti sharaf kale oo ay ku jiri doonaa qaar ka mid ah Maamul goboleedyada dalka ka jira.

Madashan ayaa waxaa dib loogu eegi doona guud ahaan horumarka laga gaarey barnaamijka Cahdiga cusub, ee diiradda lagu saaray arrimaha siyaasadda iyo amniga lixdii bilood ee la soo dhaafey. Waxaa shirkan dib loogu eegayaa waxyaabaha qabsoomey, sida loo wajahayo caqabadaha jira, in la aqoonsado meelaha ay dulduleelooyinka ka jiraan iyo in si wadajir ah loo go’aansado waxa qabsoomi kara dhammaadka sannadkan 2015.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE