Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Xoogan oo Gabaldhicii Maanta Ka dhacay Duleedka Marka.

Xaalad degenaasho aan caga badan ku taagnayn ayaa waxa laga soo sheegayaa deegaanka Shalambood ee Duleedka Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelada hoose.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidamda deegaanka ay weerar ku qaadeen meel jidgooya ah oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka dhul ballaarsiga ka wada shabeelada hoose.

Ciidamada deegaanka ayaa ku guuleystay inay kala ceyriyaan Mooryaanta isbaarada ay ku weerareen waxaana jiray gurmd xoog badan oo kasoo gurmaday meel u dhow difaaca Amisom oo ay fadhiyeen Maleeshiyaad kale, waxaana mar kale sidaa ku bilowday dagaal xoogan oo mar qura fooda lays daray.

Dadka ku dhaqan Shalambood ayaa soo sheegaya in xabad xoogan ay maqlayeen intuu dagaalku socday islamarkaana hubka nocyadiisa kala duwan laysku adeegsanayey.

Markii lasoo gaaray gabaldhicii ayaa lagu soo waramayaa in xabadu iskeeda u istaagtay islamrkaana hada xaaladu ay tahay mid degen walow mararka qaar la maqlayo rasaas teel teel ah oo ay isugu jawaabayaan.

Waxaa is horfadhiya Maleeshiyada Kaaba Mooryaan Xasan Jaamici iyo Ciidamada deegaanka iyadoona mar kasta ay suragal tahay in xabadu ay halkeeda kasii bilaabato.

War ay heleyso Shabada Markanews.net ayaa sheegaya in Meydad gaaraya ilaa 6 meyd la geeyey shalambood oo Maleeshiyada dhul boobka looga dilay dagaalkii waxyar ka hor soo gabagaboobay iyo dhaawac intaasi ka badan.

Maleeshiyada halkaasi Maanta ku quur baxday ayaa waxa ka mid ah Kaaba Mooryaankii Xasan Jaamici u qaabilsanaa Shalambood oo lagu Magacaabo Ilbaxsade oo jufa ahaan u dhow Kaaba Mooryaan Xasan Jaamici.

Siday soo sheegayaan dadka Shalambood ku dhaqan KaabMooryaank Maanta ay la tagtay rasaasta deegaanka ayaa ahaa ninkii amray barakicinta iyo dhibaatayta dadka deegaanak.

Saraakiisha Ciidamada deegaanka ayaa ku goodiyey inay soo afjarayaan Maleeshiyaadka kooban ee shalambood ku sugan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran